soomaali - Sorah Al-Qiyamah ( The Resurrection )

Noble Quran » soomaali » Sorah Al-Qiyamah ( The Resurrection )

Choose the reader


soomaali

Sorah Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Verses Number 40
لَا أُقْسِمُ بِيَوْمِ الْقِيَامَةِ ( 1 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 1
Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame.
وَلَا أُقْسِمُ بِالنَّفْسِ اللَّوَّامَةِ ( 2 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 2
Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).
أَيَحْسَبُ الْإِنسَانُ أَلَّن نَّجْمَعَ عِظَامَهُ ( 3 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 3
Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.
بَلَىٰ قَادِرِينَ عَلَىٰ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُ ( 4 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 4
Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.
بَلْ يُرِيدُ الْإِنسَانُ لِيَفْجُرَ أَمَامَهُ ( 5 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 5
Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.
يَسْأَلُ أَيَّانَ يَوْمُ الْقِيَامَةِ ( 6 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 6
Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.
فَإِذَا بَرِقَ الْبَصَرُ ( 7 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 7
Markase Araggu Wareero (Taagmo).
وَخَسَفَ الْقَمَرُ ( 8 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 8
Dayuxuna Madoobaado.
وَجُمِعَ الشَّمْسُ وَالْقَمَرُ ( 9 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 9
Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.
يَقُولُ الْإِنسَانُ يَوْمَئِذٍ أَيْنَ الْمَفَرُّ ( 10 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 10
Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.
كَلَّا لَا وَزَرَ ( 11 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 11
Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ الْمُسْتَقَرُّ ( 12 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 12
Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.
يُنَبَّأُ الْإِنسَانُ يَوْمَئِذٍ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ ( 13 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 13
Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.
بَلِ الْإِنسَانُ عَلَىٰ نَفْسِهِ بَصِيرَةٌ ( 14 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 14
Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.
وَلَوْ أَلْقَىٰ مَعَاذِيرَهُ ( 15 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 15
Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).
لَا تُحَرِّكْ بِهِ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِ ( 16 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 16
Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).
إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُ وَقُرْآنَهُ ( 17 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 17
Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.
فَإِذَا قَرَأْنَاهُ فَاتَّبِعْ قُرْآنَهُ ( 18 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 18
Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُ ( 19 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 19
Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.
كَلَّا بَلْ تُحِبُّونَ الْعَاجِلَةَ ( 20 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 20
saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).
وَتَذَرُونَ الْآخِرَةَ ( 21 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 21
Waxaadna ka tagaysaan aakhiro.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاضِرَةٌ ( 22 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 22
Wajiyaal Maalintaas way ifi.
إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌ ( 23 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 23
Eebeheedna way Eegi.
وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ بَاسِرَةٌ ( 24 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 24
Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.
تَظُنُّ أَن يُفْعَلَ بِهَا فَاقِرَةٌ ( 25 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 25
Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.
كَلَّا إِذَا بَلَغَتِ التَّرَاقِيَ ( 26 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 26
Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).
وَقِيلَ مَنْ ۜ رَاقٍ ( 27 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 27
Oo la Dhoho uaa ku tufi.
وَظَنَّ أَنَّهُ الْفِرَاقُ ( 28 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 28
Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.
وَالْتَفَّتِ السَّاقُ بِالسَّاقِ ( 29 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 29
Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ الْمَسَاقُ ( 30 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 30
Eebahaa Xaggiisaa la aadi.
فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ ( 31 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 31
Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin.
وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ ( 32 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 32
Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday.
ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰ أَهْلِهِ يَتَمَطَّىٰ ( 33 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 33
Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan.
أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰ ( 34 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 34
Halaag Buuse Mutaa.
ثُمَّ أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰ ( 35 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 35
Haddana Halaagbuu Mutaa.
أَيَحْسَبُ الْإِنسَانُ أَن يُتْرَكَ سُدًى ( 36 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 36
Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan).
أَلَمْ يَكُ نُطْفَةً مِّن مَّنِيٍّ يُمْنَىٰ ( 37 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 37
Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo.
ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ ( 38 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 38
Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana.
فَجَعَلَ مِنْهُ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ ( 39 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 39
Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig.
أَلَيْسَ ذَٰلِكَ بِقَادِرٍ عَلَىٰ أَن يُحْيِيَ الْمَوْتَىٰ ( 40 ) Al-Qiyamah ( The Resurrection ) - Ayaa 40
Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.

Random Books

  • Qaamuuska carabiga oo koobanQaamuuska carabiga waxaan ka turjumay qaamuuska la yiraahdo "Sixaaxii oo la soo koobay" مختار الصحاح ee uu qorey Maxamed Abuubakar Cabdulqaadir oo loo yaqaan "Ar-raazi". Mana wada turjumin qaamuuskaasi ee waan soo koobay.

    Source : http://www.islamhouse.com/p/61645

    Download :Qaamuuska carabiga oo kooban

  • XISNUL MUSLIM DHUFEYSKA MUSLINKAFortress of the Muslim, Invocations from the Quran and Sunnah: is a very beautiful booklet consists of many authentic Dua's (supplications) for a Muslim to supplicate on a daily basis and on special occasions.

    Source : http://www.islamhouse.com/p/380108

    Download :XISNUL MUSLIM DHUFEYSKA MUSLINKA

  • Rukniga sedaxaadRukniga sedaxaad

    Formation : عمادة البحث العلمي بالجامعة الإسلامية

    Translators : عبد القادر حسين طحلو

    From issues : www.iu.edu.sa

    Source : http://www.islamhouse.com/p/457

    Download :Rukniga sedaxaad

  • Naxwaha carabiga oo koobanNaxwaha carabiga oo kooban waxaan ka turjumay kitaabka la yiraahdo "Xeerarka afka carabiga oo kooban" الموجز في قواعد اللغة العربية ee uu qoray Siciid Maxamed Axmed oo loo yaqaan "Siciid Al-Afgaani". Mana wada turjumin naxwahaasi ee waan soo koobay.

    Source : http://www.islamhouse.com/p/61659

    Download :Naxwaha carabiga oo kooban

  • Rukniga sedaxaadRukniga sedaxaad

    Formation : عمادة البحث العلمي بالجامعة الإسلامية

    Translators : عبد القادر حسين طحلو

    From issues : www.iu.edu.sa

    Source : http://www.islamhouse.com/p/457

    Download :Rukniga sedaxaad

Choose language

Choose Sorah

Random Books

Choose tafseer

Participate

Bookmark and Share